21.png

Wasiirka Cusub ee Maaliyadda Puntland oo Kormeer shaqo ku tagay qaar kamid ah Xarumaha Wasaaradda ee Garoowe[Sawirro]

GAROOWE – Wasiirka cusub ee Wasaaradda Maaliyada Dowladda Puntland Cabdulaahi Siciid Carshe dhaqaaje ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay qaar kamid ah xarumaha Wasaaradda ee magaalada Garoowe.

Mudane Cabdullaahi Siciid Carshe Dhaqaaje ayaa waxaa kormeerkiisa ku weheliyey Wasiir kuxigeenada Maaliyadda Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan Iyo Maxamed Siciid Caateeye ,Agaasimayaasha Wasaaradda iyo qaar kamid ah howlwadeenada Wasaaradda.

Goobaha ay booqdeen Wasiirka Cusub ee Maaliyadda Puntland Mudane Cabdullaahi Siciid Carshe Dhaqaaje iyo wafdigiisa ayaa waxaa kamid ah xarunta Wasaaradda ee gobolka Nugaal,Bangiga,Kontaroolka Koonfureed iyo Cashuuraha beriga.

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa sida ay shaqadu u socoto waxaa warbixin kooban ka siiyey howlwadeenada Wasaaradda,waxaana uu Wasiirku ku bogaadiyey shaqada ay bulshada u hayaan.

Hoos ka daawo Sawirada Komreeka shaqo

Waaxda Wacyigelinta Iyo Warbaahinta

Xafiiska Garoowe