8371F90C-AFA7-43BA-A87C-A55B61973365.jpg

Wasiirka Kuxigeenka Maaliyadda Puntland oo kormeer shaqo ku tagay Airporka Gaalkacyo[Sawirro]

GAALKACYO – Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Dawladda Puntland ahna siihayaha xilka Wasiirka Mudane Eng Cumar Xasan Fiqi ayaa kormeer shaqo ku tegay garoonka diyaaradaha Cabdulaahi Yuusuf ee magaalada Gaalkacyo.

Boqashadan ayaa qayb ka ahayd ogaanshaha habka ay shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda ee goobaha dakhlilgu u wadaan shaqadooda.

Kormeerkan Wasiirka waxaa ku weheliyay Xisaabiyaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda gobolka Mudug Ismaacil Cabdinuur Geesey iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Puntland ee gobolka Mudug.

Cumar Xasan Fiqi Wasiirku xigeenka Maaliyadda intii uu ku gudiga jiray kormeerkan shaqo ayaa garoonku ahaa mid ay si wayn u kala socdeen hawlaha shaqo ee Cashuuraha.

Xisaabiyaha gobolka Mudug ayaa xog dheeraad ah Wasiirka ka siiyay halka uu maraayo dakhligu iyo dadaalka ay ku jiraan shaqaalaha Wasaaradda Maaliyaddu.

Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Puntland Cumar Xasan Fiqi ayaa kulan saacado qaatay la yeeshay madaxda Wasaaradda Maaliyadda , waxana uu siiyay talooyin ku aadan dhanka shaqada.

Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Mudane Cumar Xasan Fiqi ayaa hawlo shaqo u jooga gobolka Mudug gaar ahaan sidii shaqaalaha Wasaaradda Maaliyaddu usmayn lahaayeen dakhli abuur xoogan.

Xafiiska Waciyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland