Wasiirka Maaliyada DPL Mudane Hasan Abgal oo ka Qayb galay Xaflada Xiritaanka Tababarka Ciidanka Xogoble

QARDHO- Dugsiga Tababarka Ciidammada ee Xorgoble waxaa lagu qabtay munaasab lagu soo afmeeray Ciidammada Daraawiishta ee Beder iyo Uxud oo tababar ku soo qaatay Dugsiyada Xorgoble, 54aad iyo Badhan.Munaasabada Ciidamadan Tabarbarka loogu soo xiray waxaa ka soo qayb galay Madaxwaynaha Dawladda Puntland Mudane Dr Siciid Cabdulaahi Deni, Xubono ka tirsan labada gole, Siyaasiyiin iyo Saraakiisha Ciidammada.Madaxda gudiga dib uhabaynta Ciidammada ayaa halkaasi ka hadlay oo ay ka midyihiin Wasiirka Maaliyadda ah Gudoomiyaha gudiga Mudane Hasan Abgal, Wasiirka Amnig Mudane Cabdisamed Maxamed Galan iyo Taliyaha Ciidammada Daraawiishta Mudane Gen Yaasiin Cumar Dheere.Gudigu waxa ay cod dheer ku sheegeen iyaga oo filinaaya Siyaasada Madaxwaynaha ee ku aadan dhismaha Ciidammada in ay ku farax san yihiin halka ay wax marayaan iyo Ciidammada maanta tababarka loo soo xiray.Madaxwaynaha Dawladda Puntland Mudane Dr Siciid Cabdulaahi Deni oo soo afmeeray munaasabada ayaa halkaasi ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanaysa waxana uu u mahad celiyay gudiga iyo Saraakiisha isku hawlay in in ay tayeeyaan Ciidammada.Baahintii Xafiiska Waciyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland

Xafiiska Wacyigelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda Puntland