3.jpg

Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland oo si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Boosaaso(Sawirro)

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Xaaji Cabdullaahi Shiikh Axmed ayaa  kasoo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso.

Wasiirka Maaliyadda Puntland Xaaji Cabdullaahi Shiikh Axmed ayaa Puntland kusoo noqday kadib markii uu soo cumraystay isla markaana  uu kamid ahaa Sannadkan Muslimiinta Barakeysan soo gutaan.

Garoonka diyaaradaha ee Boosaaso ayaa waxaa kusoo dhaweeyey Wasiirka,Saraakiisha sarsare ee Wasaarada Maaliyada,dekedaha,gobolka iyo marti sharaf kale.

Mudane Xaaji Cabdullaahi Shiikh Axmed oo ugu horeyn ka mahadceliyey sida maqaamka sare leh ee loogu soo dhaweeyey Boosaaso.

Waxa uu sheegay in Bulshada Soomaaliyeed iyo Puntland si weyn ugu soo duceeyey intii uu ku sugnaa dalka Sucuudiga ee Waajibaadka xajka kusoo gutay.

Ducooyinkayagii waxaan ku daraynay duco wadanka ah gaar ahaan Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya ,waanuna Isu dardaarmeynay runtii oo dhab iyadoo naga ah “”ayuu yiri.