Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Xasan Shire Cabdi oo shir guddoomiyay kulan muhiim ah[Sawirro]

GAROOWE – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa maanta qabtay kulan muhiim ah oo diirada lugu saaray sidii wax looga qaban lahaa arrimaha sicir bararka iyo kor u kaca sarifka lacagta dollarka.

Shirka ayaa waxaa kasoo qaybgalay mas’uuliyiinta Wasaaradda iyo khuburo aqoonyahan ah oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland.

Dood iyo falaqayn ka dib Wasiirka Maaliyadda Puntland Xasan Shire Cabdi ayaa magacabay guddi dhaqaale oo kasoo tala bixiya xaaladda sarifka ayadoo maalmahaan ay wasaaradda Maaliyadda soo saari doonto siyaasaddo lugu xakameynayo arrimaha sarifka. 

Baahintii 

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta 

Wasaaradda Maaliyadda 

Dawladda Puntland