21751505_1997542780479800_7502787250343352918_n.jpg

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Cabdullaahi Carshe oo ka qeybgalay Shir lagu heshisiiyey Beelo walaalo ah[Sawirro]

Wasiirka Maaliyadda Puntland Cabdullaahi Siciid Carshe iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Puntland ayaa ka qeybgalay shir lagu heshisiinayey beelo walaalo ah kaasoo ka dhacay magaalada Carmo ee gobolka Bari.

Wasiirada ka qeybgalay ayaa kala ah Wasiirka Amniga Axmed Cabdullaahi Yuusug,Wasiirka Arrimaha gudaha Cabdullaahi Cali Xirsi,Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan,Guddoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays,maamulka degmada Carmo.

Shirkan ayaa lagu heshisiinayey beelaha Dishiishe iyo Ismaaciil Saleebaan ,kuwaasoo 3.8.2017 ay dirir ku dhexmartay dhul u dhaxeeya tuulooyinka Kalabeyr iyo Faluuja.

Heshiiska ayaa laga soo saaray qodobo kala duwan oo maslaxad u ah labada dhinac,waxayna mas’uuliyiinta dowladu sheegeen in dowladu fulin doonto dhaqangalka heshiiskan ay soo saareen Guddiga loo xil-saaray.

Bulshada ku dhaqan degmada Carmo iyo maamulkooda ayaa gacan weyn ka geystay heshiiskan labada beelood oo gogoshooda dhigay muddana ay taalay degmada Carmo.

Ugu dambeyn,Wasiirka Maaliyadda Puntland Cabdullaahi Siciid Carshe iyo Kuxigeenkiisa Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan ayaa booqday dhulka ay dirirtu ka dhacday.

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta

Wasaaradda Maaliyadda Puntlnad