Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland iyo Wafti uu hoggaaminayo oo gaaray degmada Gaalkacyo(Sawirro)

GAALKACYO -Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi iyo Wafti uu hoggaaminayo oo safar shaqo uga ambabaxay Garoowe ayaa gaaray degmada Xarfo oo ka tirsan gobolka Mudug, wuxuuna kormeer ku sameeyay Kastamada degmada.

Wasiirka iyo mas’uuliyiiinta Kastamka ayaa kala qaatay xog ku saabsan dardar gelinta shaqada halkaasi ka socota iyo sidii kor loogu qaadi lahaa Cashuur qaadida si uu u kordho Dakhliga Dowladda.

Kastamyada, ayaa ka mid ah Ilaha dhaqaale ee Dowladda Puntland ay ka hesho Dakhliga.

Ugu dambeyn, Wasiirka iyo Waftiga uu hoggaaminayo ayaa gaaray degmada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Xafiiska Wacyigelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland