Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo kormeer shaqo ku tagey Kastamka Furdada Boosaaso(Sawirro)

BOOSAASO – Kastamka Furdada Dekadda Boosaaso waxaa kormeer shaqo ku tagey Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi.

Maamulaha Furdada Boosaaso Maxamed Yuusuf ayaa Wasiirka ku soo dhoweeyay Kastamka Dekeda, waxana uu booqaday goobaha shaqadu ka socoto, isla markaana kormeer ku sameeyey qaybaha kala duwan ee Dekadda.

Wasiirka ayaa kulan gaara la qaatay Maamulaha Furdada Boosaaso iyo mas’uuliyiinta kale ee Wasaaradda Maaliyadda ayda oo kulan kaas looga wada hadlay shaqooyinka socda iyo horumarka laga gaaray shaqada.

Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa kulan la waatay Madaxda iyo shaqaalaha Furdada Boosaaso kula dar-daarmay in ay xoojiyaan dadaalkooda ku aadan kor u qaadidda dakhaliga.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta

Wasaaradda Maaliyadda

Dowladda Puntland