img_3051

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo la kulmay Wafdi ka socday Bangiga Adduunka(Sawirro)

img_3051Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Dr Cabdullaahi Shiikh Axmed ayaa la kulmay wafdi ka socday Bangiga Aduunka oo ay weheliyeen Xafiiska Xiriiriyaha Mashruuca Hormarinta shaqaalaha iyo tayeynta heer Puntland.

Wafdiga ayaa kala hadlay Madaxda Wasaaradda Maaliyadda dardar galinta mashaaruuca tayaynta shaqaalaha iyo casriyaynta oo ay wasaaraddu ka mid tahay wasaaradaha ka qayb qaadanaya.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa ka war bixisay qorshaha ku aadan casriyaynta iyo tayaynta mashruuca ayadoo la isku afgartay in ay muhiim tahay in Wasaaradu hormuud u noqoto howshaan socota.

img_3057Agaasimaha Guud ayaa xusay in habaynta iyo casriyaynta ay laf dhabar u tahay hormarka wasaaradda iyo guud ahaan hanaanka hormarka shaqada asagoo xusay in Wasaaradu ay ku dadaalayso hirgalinta.

Mr Alex ayaa oga mahad celiyay Madaxda Wasaaradda sida hogaaminta wanaagsan ugu jirto oo ay ugu hawlan yihiin hormarinta mashruuca shaqaalaynta asagoo xusay in casriyaynta socota ay wax badan ka badali doonto shaqada wasaaradda.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dr Cabdullaahi Shiikh Axmed ayaa uga mahad celiyay Xafiiska Xiriiriyaha Mashruuca iyo Madaxda World Bankiga sida wanaagsan oo ay u maamulayaan Mashruucaan oo laf dhabar wayn u ah casriyaynta shaqaalaha Dawladda.

img_3083 img_3052 img_3053 img_3054 img_3055 img_3058 img_3059 img_3060 img_3076 img_3081 img_3082

______

GAROOWE