1-4

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo shir la yeeshay Ganacsatada gobolka Bari[Sawirro+Video]

1-4Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Dr Cabdullaahi Sheekh Axmed ayaa kulan la yeeshay ganacsatada ku dhaqan Puntland gaar ahaana gobolka Bari,waxayna kawada hadleen xaalada abaarta iyo sarifka dollarka.

1-2Kulankan oo ka dhacay xarunta Rugta Ganacsiga iyo Wershadaha Puntland ayaa ,waxaa ka qeybgalay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Mudane Cabdirisaaq Maxamed Xasan,Xoghayaha guud ee Wasaaradda Axmed Jowle,Xisaabiyaha guud ee dowladda Cabdirisaaq Siciid Nuur,.Guddoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays(Dhado,Rugta ganacsiga iyo ganacsatada gobolka.

1-3Ugu dambeyn kulanka kaddib ayaa la isla qaatay qiimaha lacagta sarifka ee Shilin Soomaaliga laga dhigo 24 sh.so ah halka markii hore uu marayey illaa 28 sh.so ah.

Dr Cabdullaahi Sheekh Axmed
Dr Cabdullaahi Sheekh Axmed

Wasiirka Maaliyadda dowladda Puntland Dr Cabdullaahi Shiikh Axmed ayaa saxaafadda uga warbixiyey qodobada la isku afgartay kulanka.

Hoos ka daawo Muuqaalka

Click here to display content from YouTube.
Learn more in YouTube’s privacy policy.

Waaxda Warfaafinta
Maaliyadda Puntland
mofpuntland@gmail.com