FB_IMG_1522741817632.jpg

Wasiirka Maaliyadda DPL Mudane Cabdullahi Saciid Carshe ayaa kulan gaar ah la qaatay Xisaabiyayaasha gobolada[Sawirro]

Wasiirka Maaliyadda DPL Mudane Cabdullahi Saciid Carshe ayaa kulan gaar ah la qaatay Xisaabiyayaasha gobolada ee W/Maaliyadda.

Xisaabiyaasha ayaa ka kala yimi gobolada Bari, Gardafud, Karkaar, Sanaag, Sool, Nugaal iyo Mudug, waana kulankii ugu horeeyey oo Madaxda Xisaabiyayaasha oo dhami halmar
kasoo wada qaybgalaan,kaasoo ujeedadiisu ahayd qodobada soo socda.

  1. Inay ka warbixiyaan xisabiyashu shaqaooyinkan u hayaan Wasaradada Maaliyada halka ay marayaan iyo caqabadaha haysta.
  2. Khimadaha uu Bangiga ka qaato
  3. Sidii loo midayn lahaa xisaab xirada xisaabiyasha gobolada ay sameeyan.
  4. Xisaabiyaashu inay soo gudbiyaan waxyabaha ay tabanaya si wax loo ga qabto.
  5. Inay ka war bixiyaan xisaabiyasha goboladu siday dakhilga u qabtaan iyo meelaha ay ka qabtaan.
  6. Xisaabiyasha goboladu siday ugu xirnaa lahayeen systemka FMISka qaab Online ah ,soona gudbiyaan ,kharashadka jogtada ah iyo mida lama filaanka ah.
  7. Xisaabiyaashu inay halbeeg ku sameeyan dakhilga ay soo xareeyaan iyo kharashaadka ay bixiyaan.

Kulanka waaxan qayb ka ahaa Wasir kuxigeenka dakhliga Mudane Maxamed Jibriil Caateye,Agaasimaha kuxigeenka dakhliga Mudane Cismaan Buux Cali ,Xisaabiyaha guud Mudane Cabdirisaq Siciid Nuur ,Agaasimaha Waaxda Misaaniyada Mudane Cabdisamad Cawad Cismaan iyo Xisaabiyaasha gobolada .

Waaxda Wacyigelinta iyo Warbaahinta

Wasaaradda Maaliyadda Puntland