1392A45A-7BE0-4E3A-AAE0-E06F3635C58B.jpg

Wasiirka Maaliyadda Iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Addis Ababa ee Itoobiya[Sawirro]

ADDIS ABABA – Waftigii uu hoggaaminayay Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa gaaray magaaladda Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya.

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Garoonka Bolli international Airport waxaa kusoo dhoweeyay Madaxwayne kuxigeenkii hore ee Puntland ahna safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Itoobiya Mudne Cabdixakiin Xaaji Cumar Camay.

Wasiirka iyo Waftiga uu hogaaminayo ayaa galabta ka ambabaxay magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland.

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ayaa dhowaan ka qaybgali doona shir halkaasi ka dhici doona loogana hadli doono hanaanka Maaliyadda iyo dayncafinta Soomaaliya.

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland