7617B6D1-DFB7-4FF7-9D3A-491C06DB84D0.jpg

Wasiirka Maaliyadda oo dhagax dhigay Bangiga iyo Xarunta W/Maaliyadda ee Dhahar[Sawirro]

DHAHAR – Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa degmada Dhahar ka dhagax dhigay Laanta Bangiga Dhahar iyo xarunta Wasaaradda Maaliyadda.

Wasiirka Maaliyadda waxaa xarumahan la dhagax dhay Wasiirka Arimaha gudaha, iyo Xubno katirsan Golaha Baarlamaanka Puntland.

Xasan Shire Cabdi Wasiirka Maaliyadda ayaa halkaasi hadal kooban ka soo jeediyay kuna aadan dhismaha Bangiga iyo Maaliyadda.

“Degmada Dhahar waxa ay ka mid tahay degmooyinka dakhliga soo saara si loo helo goobihii lagu shaqayn lahaa, waxaanu dhagax dhignay Bangiga iyo Maaliyadda insha alaah dhowaan ayaanu hirgalin doonaa”.. ayuu yiri Wasiirka Maaliyaddu”.

Mas’uuliyiinta Dawladda Puntland ayaa booqday xarunta degmada, saldhiga iyo goobo kale waxayna halkaasi kula kulmeen Saraakiisha Booliska degmada Dhahar.

Xafiiska Waciyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda puntland