Mudane Dr Cabdullaahi Sheekh Axmed

Wasiirka Maaliyadda oo Jaaliyadda Puntland ee Waqooyiga Denmark uga Mahadnaqay Deeqda ay soo gaarsiiyeen ciidanka [Daawo]

Mudane Dr Cabdullaahi Sheekh Axmed
Mudane Dr Cabdullaahi Sheekh Axmed

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Dr Cabdullaahi Sheekh Axmed ayaa ku ammaanay doorka muuqda ay ka qaadatay difaaca Puntland jaaliyadda ku dhaqan waqooyiga Denmark ee reer Puntland.

Deeqda ayaa ka koobnayd 500 oo Kartoon oo timir ah iyo 165 kartoon oo Kalluun ah, taasi oo ay ugu tala galeen jaaliyadda inay ku dhiiri galiyaan ciidanka guusha ka gaaray dagaalkii ka dhan ahaa maleeshiyada Shabaab.

IMG_9254Mudane Dr Cabdullaahi Sheekh Axmed oo Saxaafadda la hadlay ayaa Jaaliyadda u balan qaaday in deeqdu ay gaari doonto halka ay u qorsheeyen,loona maamuli doono sida ay iyagu u qorsheeyen.

Click here to display content from YouTube.
Learn more in YouTube’s privacy policy.

Sida aad tiraahdaan u Maamula ayaan u maamulaynaa,meesha ad tiraahdaan geeya ayaan gaynaynaa,lacagtii aad soo dirteen intii aad tiraahdeen ku gada ayaan lagu gaday,hadana waan diraynaa,waana loo sheegay ciidanka waqtiga ay deeqdu gaarayso’’Ayuu yiri isaga oo hadalkiisa sii wata.

IMG_9255 IMG_9256

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland
mofpuntland@gmail.com