FB_IMG_1521906661824.jpg

Wasiirka Maaliyadda oo kormeeray dhismaha Waddo muhiim ah oo laga dhisayo Garoowe[Sawirro]

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Cabdullaahi Siciid Carshe iyo Xoghayaha guud ee W/Maaliyadda Axmed Jowle ayaa kormeer ku tagay halka uu marayo dhismaha Waddo laami ah oo isku xireysa magaalada iyo halka ay ku yaalaan inta badan xarumaha dowladda ee dhinaca Waqooyi bari ka xiga magaalada.

Wadadan oo laba kiilo mitir iyo bar ah ayaa dhaqaalaha ku baxaya oo dhan 180 kun oo dollarka Mareykanka ah ,waxa bixineysa dowladda Puntland,waxaana fulineysa shirkadda laga leeyahay dowladda Turkiga.

Xoghayaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland Axmed Jowle ayaa sharaxaya sida howsha wadadan ku bilaabatay iyo mudada la qorsheeyey in lagu soo gabagabeeyo.

…” Wadadan waxay noqon doonta laba dhinac,waxay yeelan doonta meelaha ay biyuhu maraan,shaqaduna waxay socon doontaana muddo dhowr iyo toban cisho ah…”ayuu yiri Axmed Jowle.

Wasiirka Maaliyadda Puntland Cabdullaahi Siciid Carshe ayaa sheegay in dhismaha wadadan ay ahmiyad gaar ah u leedahay bulshada magaalada iyo shaqaalaha hay’adaha dowladda.

Mudane Cabdullaahi Siciid Carshe ayaa sheegay in bulshada looga baahan yahay iney bixiso canshuurta si loo xoojiyo dhismaha kaabayaasha dhaqaale ee Puntland.

…”Wadadatan waa 1500 mitir,halkii kiilo mitir iyo bar weeye,isku tashi beyna ku timid,dowladda Puntland ba isku tashatay,waana wadada halbowlaha u ah Wasaaradaha iyo hay’adaha ay maraan sidaa la ajligeed markii wax badan la qiimeeyey baahidana la arkay go’aan ba lagu qaatay in wadadan la dhiso ,dhaqaalaha ku baxayana waa 180 kun oo dollar ,waxaa bixineysa Dowladda Puntland gaar ahaana Wasaaradda Maaliyadda …”ayuu yiri Carshe.

Wasiirka Maaliyadda Puntland Mudane Cabdullaahi Siciid Carshe ayaa ugu baaqay bulshada reer Puntland in ay bixiyaan cashuurta si wax loogu qabto Kaabayaasha dhaqaale ee Puntland.

…Waxaan ugu baaqayaa dadweynaha reer Puntland in hadeynu isku tashano aynu wax badan qabsan karno,canshuurta hadeynu bixino wax badan beynu qabsan karnaa ,waxaynu ku celcelinaynaa si loo helo.waxyaabo badan oo isku tashi ah Waddooyin ha noqoto ,ceelal,Isbitaalo ..canshuurta hala bixiyo…”ayuu yiri.

Xafiiska Wacyigelinta iyo Warbaahinta

Wasaaradda Maaliyadda Puntland.