D477A45C-0915-49E7-9DA1-68205EF1ABDA.jpg

Wasiirka Maaliyadda oo kulan la qaatay Wasiirada Deegaanka Iyo Ganacsiga Puntland[Sawirro]

Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa kulan la qaatay Wasiirada Wasaaradaha Ganacsiga, Deegaanka iyo qaybo ka mid ah Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda ee gobolka Sool.

Kulankan ayaa ka dhacay Xarunta Wasaaradda Maaliyaada ee Garoowe,waxaana Wasiirka Maaliyadda ku weheliyay Wasiiru dowlaha Wasaaradda,Xisaabiyaha guud ee Dawladda iyo Agaasimayaasha Wasaaradda Maaliyadda Puntland.

Xasan Shire Cabdi Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland ayaa madaxda Wasaaradda Ganacsiga ay ka wadada hadleen isku xirka labada Wasaaradood iyo kor uqaadida Dakhliga.

Dhinaca kale Wasiirka Ganacsiga ayaa madaxda Wasaaradda usoo gudbiyay xog ku aadan habka ay dakhliga kor ugu qaadi karaan dhankooda madaxda Wasaaradda Maaliyadduna utaageri lahayd.

Sidoo kale waxaa kulan lala qaatay Madaxda Wasaaradda Deegaanka intii kulankaasi socday ayaa labada dhinaca looga wadahadlay kobcinta dhinaca dakhliga iyo sidii la isaga kaashan lahaa.

Ugu dambayn Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi iyo madaxda kale ee Wasaaradda ayaa kulan laqaatay Xisaabiyaha iyo shaqaalaha Wasaaradda ee gobolka Sool.

Kulankaan ayaa sidoo kale ahaa ogaanshaha shaqada iyo Xisaabiyaha dhowaan loo magacaabay gobolkq Sool iyo in kor loo qaado waxa soo saarka dakhliga ee gobolka Sool.

Dhammaan Kulamadii kala duwanaa ee lala qaatay Wasiirada Wasaaraddaha Ganacsiga, Deegaanka iyo Shaqaalaha Wasaaradda ee gobolka Sool ayaa ku soo dhammaaday isfaham iyo wadashaqayn iyo dakhliga oo kor loo qaado si dalka horumar  looga sameeyo.

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaardda Maamliyadda Dawladda Puntland