FB_IMG_1539185792461.jpg

Wasiirka Maaliyadda oo Shir guddoomiyay kulanka bilaha ah ee Guddiga Hagida Farsamada ee PFM & DRM(Sawirro)

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda DPL, Mudane Cabdullahi Saciid Carshe (Dhaqaaje) ayaa shir gudoomiyey kulanka bilaha ah ee Gudiga Hagida Farsamada ee Mashriica PFM & DRM (Technical Steering Committee meeting).

Kulanka waxaa kasoo qayb galay xubnaha gudiga TSC sida Wasiir kuxigeenka Dakhliga W.Maaliyadda Mudane Maxamed Saciid Caateeye, K/s Agaasimaha guud ee W.Maaliyadda Xasan Cali Samatar, Xisaabiyaha guud ee DPL Mudane Cabdirisaaq Saciid Nuur, Hantidhowraha guud Jaamac , Agaasinka Dakhliga, Madaxda Mashaariicda PFM iyo RCRF, Xafiiska FMIS-ka, Xafiiska EAFS-ka iyo marti Sharaf kale.

Ugu horeyn waxaa shirka lagu daah-furay Quraanka Kariimka, intaa kadib waxaa Shirka kalmado kooban kasoo jeediyey Wasiirka Maaliyadda Puntland, Mudane Cabdulaahi Saciid Carshe (Dhaqaaje) isagoo sheegay ‘’Waxaa Mahad leh Allah oo inoo suurto galiyey in uu inoo qabsoomo shirkii bilaha ahaa ee TSC, kaasoo ujeedkiisu yahay in lagu kala warqaato waxa inoo qabsoomay, waxa dhiman, waxa aan wali la qaban iyo caqabaha jira iyo sidii xal iyo go’aamo looga gaadhi lahaa, waxaan qaybaha kala duwan ay soo bandhigi doonaan presentations si aan go’aan uga gaadhno wixii u baahan in la fuliyo, shaqooyinka u baahan in mar kale laga wada hadlo dib baynu u dhiganeynaa, waxaana ku rajo weynahay in dhamaan hawlahu si guula inoogu soo dhamaaday, waadna ku mahadsan tihiin kasoo qayb galka shirka waana inoo furan yahay shirku.

Intaa kadib waxaa warbixin dhinacyo badan taabanay soo jeediyey Xiriiriyaha PFM Mr. Cabduqaadi Axmed Xaashi. Isagoo ka hadlay qayb

• Qoondada ay ka heleen kordhinta maalgelinta mashruuca PFM (PFM Additional Financing update); wuxuu soo bandhigay presentation ay ku cadahay lacagaha ay ka heleen qoondada kororka maalgelinta ee uu ku deeqay Bankiga Aduunku.
• Khuburada mashruuca PFM ee la shaqeynaya Wasaaradda Maaliyadda sida Khabiirka Miisaaniyadda, Khabiirka War isgaarsiinta (Communication specialist), Khabiirka Iibka (Procurement Specilist) oo dhamaantood Wasaaradda Maaliyadda ka caawin doona tababarida iyo tayeynta shaqaalaha, hagaajinta shuruucda iyo habraacyada shaqada IWM.
• Dhanka kale wuxuu sheegay in mashariicda ay ku jirta kor u qaadista dakhliga (Revenue Mobilization Modality, DRM) deeqdan oo gaadhaysa 3 malyan oo dollar waxaa ku deeqay Bankiga Aduunka wuxuuna ugu tala galay in lagu horumariyo Qaybaha Dakhliga Gaar ahaan ururinta iyo kor u qaadista Cashuuraha Berriga si loo gaadho isku filaansho, Dowladuna u fuliso Adeegyada aasaasiga ah ee Bulshada.
• Wuxuu kaloo ka hadlay barnaamujka PFMIS oo ah nidaam casri ah kaasoo horumariyey ilaalinta Miisaaniyadda, Bixinta kharashaadka iyo xereynta dakhliga wuxuuna sheegay in wajigiisa labaad la guda galay lana hirgeliyey Diiwaan gelinta Hantida Ma guurtada ah (Fixed asset register), Diiwaan gelinta iyo bixinta tax ID (TIN) , wuxuu kaloo ka hadlay barnaamujka waxbarashada shaqaalaha (PFM Professionalization) oo meel fiican maraya.

Waxaa kalo oo shirka ka hadlay Agaasimaha guud ee Dakhliga, Mudane Xasan Cali Samatar isagoo soo Bandhiga Qorshada fulitna Deeqda Bankiga Aduunka ugu tala gashay in lagu horumariyo Dakhliga, wuxuuna sheegay in ay Diyaariyey qorshe hal sano ah kasoo wax weyn ka qaban doona kobcinta iyo kor u qaadista dakhliga.

Mudane Xasan wuxuu intaa ku daray in ay qabteen tababarkii barnamujka TIN (Tax payer Identification Number) kaasoo lagu dhex sameeyey barnaamujka FMIS.

Waxaa shirka ka hadlay Gudoomiyaha Hantiddhowrka Guud Mudane Jaamac oo sheegay in hawlo fiican u qabsoomeen mudadii uu caawinayey mashruuca PFM qaybtiisa (Integrity Pillars) waxyaabaha u qabsoomay waxaa ka mid ah in la tababaray shaqaalaha Hantidhrka guud, qalabeyn lagu sameeyey xafiisyada hantidhowrka, in loo iibiyey software ay u adeegsan doonaan baadhista iyo ilaalinta Hantida umada noocyadeeda kala duwan barnaamujkaas oo ah mid compurized ah wuxuu yiri waxaa noo dhiman in mashruuca PFM uu naga caawiyo shaqaaleysiinta dad IT ah, sharci yaqaano iyo hantidhowrayaan.

Waxaa kalo oo presentation kala duwan shirka kasoo jeediyey Lataliyaha FMIS-ka Mudane Faysal Mircayo, Khabiirka Miisaaniyadda oo ka sheekeyey faaiidada ay leedahay Miisaaniyadda 3-da sano ah wuxuuna soo jeediyey in laga guuro Miisaaniyadda sanadlaha ah.

Waxaa soo dulmar ku sameeyey qodobadii laga dooday Xisaabiyaha guud ee DPL isagoo xusay in ay jiraan qodobo u baahan in markale laga kulmo sidii wax looga qaban lahaa.

Ugu danbeyn waxaa soo xiray shirka Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Cabdulaahi Saciid Carshe isagoo ugu mahad celiyey dhamaan qaybaha kala duwan ee Wasaaradda Maaliyadda sidii ay u soo bandhigeen shaqooyinka loo igmaday wixii u qabsoomay, waxa aan u qabsoomin, wuxuuna xusay in intooda badan xal loo helay caqabadihii taagnaa, Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri ‘’kulankan bilaha ahi wuxuu ahmiyad gaar ah u leeyahay dar-darglinta shaqooyinka Wasaaradda iyo Mashaariicda ay Wasaarddu hogaamiso shirkuna waa inoo xiran yahay’’.

Xafiiska Wacyigelinta iyo Warbaahinta

Wasaaradda Maaliyadda Puntland