FB_IMG_1443336174862

Wasiirka Maaliyadda Puntland : Bangiga Adduunka Wuxuu doonayaa in uu Mashaariic ka fuliyo Puntland

FB_IMG_1443336174862Bankiga adduunka ayaa la filaya inuu mashaaric ka hir-galiyo Puntland,waxaa shir arrimaha la xiriira uu ka dhici doona magaalada Nairobi oo xarun u ah dalka Kenya.

Waxaa ku sugan Kenya wasiirka maaliyadda iyo mas’uuliyin kale oo ka tirsan dowladda Puntland,kuwaaso shalay ka dhoofay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Nairobi waxaan u tageyna arrimo la xiriira bankiga adduunka oo doonaya inuu mashaaric ka fuliyo Puntland,waxaana halka ka dhacaya shirar an la qaadaneyno madax ka tirsan bankiga,.”ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Puntland

FB_IMG_1443336158165Wafdiga Puntland inta ay ku sugan-yihiin Nairobi waxaa kalo ay ka qayb-galayaan shir saddex dhinac,kaaso u dhaxeeya Puntland, saraakiil ka socda dowladda federaalka iyo bankiga aduunka, wuxuna salka ku hayaa caawinaada uu bankigan ka fulinayo dhulka Soomaliya.

Dhinaca kale,wafdiga wasiirka maaliyadda uu hoggaaminayo waxaa ka mid ah illaa 14 shaqaale ka tirsan wasaaradda oo qorshuhu yahay inay tababar kor loogu qaadayo shaqadooda  uga qayb-galaan Nairobi.

Ugu dambeyntiina,waxaa la filaya inuu dhaco heshiis muujinaya mashaaricda uu bankiga adduunka ka fulinayo Puntland.

GAROWE