26036204_1170383193097376_1542663792_o.jpg

Wasiirka Maaliyadda Puntland Cabdillaahi Siciid Carshe oo booqday Waaxyaha Wasaaradda ee magaalada Gaalkacyo[Sawirro]

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Cabdullaahi Siciid Carshe iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa maanta booqday xarumaha Wasaaradda ee magaalada Gaalkacyo.

Mudane Cabdullaahi Siciid Carshe ayaa kormeer shaqo ku tagay qeybaha kala duwan ee Kastamka magaalada,Kontoroolka Koonfureed iyo sidoo kale goobaha cashuuraha lagu qaado ee Wasaaradda Maaliyadda.

Wasiirka Maaliyadda Puntland Cabdullaahi Siciid Carshe ayaa sidoo kale kormeeray xarunta cusub ee Wasaaradda Maaliyadda iyo sidoo kale dhismaha Madaxtooyada ee magaalada Gaalkacyo.

Wasiirka Maaliyadda Puntland ayaa kaddib kormeerkiisa kulan la yeeshay mas’uuliyiinta iyo howlwadeenada Wasaaradda Maaliyadda gobolka Mudug ee magaalada Gaalkacyo,wuxuuna warbixin ka dhageystay Xisaabiyaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda gobolka Mudug Barkhadle Aadan Cadde.

Wasiirka Maaliyadda Puntland Cabdullaahi Siciid Carshe ayaa ugu dambeyn ka hadlay ujeedka kormeerkiisa,wuxuuna sheegay in ay tahay mid shaqo isla markaana looga baahan mas’uuliyiin iyo maamulba iney dardargeliyaan shaqada.

Wasiirka Maaliyadda Puntland ayaa kormeerkiisa shaqo waxaa ku weheliyay Agaasimaha guud ee cashuuraha Puntland Cali Farxaan.

Waaxda Wacyigelinta Iyo Saxaafadda

Wasaaradda Maaliyadda Puntland.