1P8A2235.jpg

Wasiirka Maaliyadda Puntland Cabdullaahi Carshe iyo Wafti uu hoggaaminayo oo soo gaaray Boosaaso(Sawirro)

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Cabdullaahi Siciid Carshe iyo wafti ballaaran uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Boosaaso.

Wasiirka ayaa ,waxaa ku weheliyey socdaalkiisa Wasiir Kuxigeenka,Wasiir Kuxigeenka Dakhliga,Xisaabiyaha iyo madax kale oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Puntland.

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo markii hore kasoo ambabaxay magaalada Garoowe,ayaa markii uu soo gaaray Kontoroolka waxa uu kulan la qaatay Taliye kuxigeenka qeybta Booliska gobolka Bari iyo Taliyaha Kontaroolka Boosaaso.

Taliyaasha ayaa uga warbixiyey Wasiirka dhacdooyin la xiriira lacago shilling Soomaaliya ay qabteen kuwaasoo lagu soo qariyey Fuustooyin,Taayiro iyo shiraacyada gaadiidka xamuulka qaada.

Wasiirka Maaliyadda Puntland Cabdullaahi Siciid Carshe ayaa mudada uu ku sugan yahay magaalada Boosaaso waxa uu kormeer shaqo ku sameyn doonaan Waaxyaha Wasaaradda ,isagoona kulamo la qaadan doona Madaxda Iyo shaqaalaha Wasaaradda ee Boosaaso.

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta

Wasaaradda Maaliyadda Puntlnad