1P8A2446.jpg

Wasiirka Maaliyadda Puntland Cabdullaahi Carshe oo maanta booqasho shaqo ku tagay Dekeda weyn ee Boosaaso[Sawirro]

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Cabdullaahi Siciid Carshe iyo wafti uu hoggaaminayey ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Dekeda weyn ee magaalada Boosaaso.

Mudane Cabdullaahi Carshe ayaa waxaa kormeerkiisa shaqo ku weheliyey Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Puntland Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan,Xisaabiyaha guud,Agaasimayaasha iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda.

Wasiirka Maaliyadda Puntland Cabdullaahi Siciid Carshe ayaa ugu horeyn kormeerkiisa ka bilaabay Xafiisyada Maaliyadda ee ku yaalla Dekeda Boosaaso,wuxuu la kulmay mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha Wasaaradda.

Cabdullaahi Siciid Carshe

Wuxuu warbixin ka dhageystay Maamulaha Furdada Xaaji Cali Shirwac,isagoona Waax Waax u tusay una baray shaqaalaha ka howlgala.

Wasiirka Maaliyadda iyo wafdtigiisa ayaa kadib ku dhex socday gudaha Dekeda Boosaaso ,isagoona kormeer ku sameeyey shaqada ka socota.

Ugu dambey,Wasiirka Maaliyadda Puntland Cabdullaahi Siciid Carshe ayaa warbaahinta kula hadlay Xafiiskiisa ,wuxuuna ka warbixiyey Ujeedka kormeerkiisa shaqo.

Mudane Cabdullaahi Siciid Carshe ayaa ku ammaanay ciidamada Dekeda iyo shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda shaqada qaran ay u hayaan Ummada Soomaaliyeed gaar ahaana Puntland.

Wasiirka Maaliyadda Puntland ayaa ugu dambeyn kula dardaarmay shacabka reer Puntland iney si hufan oo wadanimo ku dheehan tahay inta la shaqeynaysa iney ula shaqeeyaan.

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta

Wasaaradda Maaliyadda Puntlnad