13-4.jpg

Wasiirka Maaliyadda Puntland Cabdullaahi Carshe oo maanta booqday Airpor-ka Boosaaso[Sawirro]

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Cabdullaahi Siciid Carshe iyo madax ka tirsan Wasaaradda uu hoggaaminayey ayaa maanta booqday garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso.

Mudane Cabdullaahi Siciid Carshe ayaa waxaa kamid ahaa xubnaha ku weheliyey booqashadiisa Wasiir Kuxigeenka dakhliga,Wasiir dowlaha,Agaasimaha guud,Xisaabiyaha,Xoghayaha guud iyo xubno kale.

Wasiirka Maaliyadda Puntland ayaa kormeeray qeybaha uu ka kooban yahay garoonka diyaaradaha ,wuxuuna madaxda ka howlgasha ka waraystay shaqada iyo baahiyaha jira.

Ugu dambeyn ,Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa kula dardaarmay madaxda iyo shaqaalahaba iney shaqadooda laba jibaaraan ,isla markaana ay yihiin adeegayaasha bulshada.

Hoos ka daawo Sawirada booqashada Wasiirka iyo wafdigiisa

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta

Wasaaradda Maaliyadda Puntlnad