21105750_1944100252511716_6005010498884606222_n.jpg

Wasiirka Maaliyadda Puntland Cabdullaahi Carshe oo Shir uga qeybgalay degmada Carmo[Sawirro]

Wasiirka Maaliyadda dowladda Puntland Cabdullaahi Siciid Carshe ayaa magaalada Carmo ee gobolka Bari uga qeybgalay shir ballaaran oo lagu heshisiinayey laba beelood oo walaalo ah.

Wasiirka Maaliyadda Puntland Mudane Cabdullaahi Carshe ayaa shirkan ,waxaa kala qeybgalay Wasiirka Amniga Puntland Axmed Cabdullaahi Yuusuf ,Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland Cabdullaahi Cali Xirsi,Guddoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays(Dhado) saraakiil iyo madax kale.

Ujeeda shirkan ayaa ahaa sidii loogu dhexdhexaadin lahaa laba beelood oo walaalo ah kuwaasoo dirir ku dhexmartay deegaanka Duur-idaad oo hoostagta degmada Carmo ee gobolka Bari.

Dowladda Puntland ayaa guddi ka kooban Wasiiro,Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Puntland u xil-saartay iney dhexdhexaadiyaan labada beelood ee walaalaha ah kuwaasoo durba kulamo la yeeshay labada dhinac.

Mudane Cabdullaahi Siciid Carshe

Sidoo kale shirkan ayaa waxaa qeyb ka ah ergooyin ku dhexjira xalinta khilaafka labada beelood ee walaalaha ah 

Wasiirka Maaliyadda Puntland Cabdullaahi Siciid Carshe ayaa sheegay In laga shaqeeyo nabadda isla markaana dhiig dambe daadan.

Waxaana uu sheegay in Puntland tahay xiligan mid qaangaar ah isla markaana bulshadeeda looga baahan yahay ka shaqeynta wanaaga,derisnimada iyo Is-dhexgalka.

 

Osman Isse
Xafiiska Wacyigelinta Iyo Warbaahinta
Boosaaso