13.png

Wasiirka Maaliyadda Puntland Dr Cabdulaahi Sheekh Axmed oo dhisme cusub ka dhagax dhigay Tukaraq[Sawirro]

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland Dr Cabdullaahi Sheekh Axmed iyo Wafti ballaaran uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Tukaraq ee gobolka Sool.

Wasiirka Iyo Wafdigiisa ayaa waxaa halkaas soo dhaweyn ballaaran ugu sameeyey mas’uuliyiin ka tirsan dowladda,odayaasha dhaqanka,haweenka iyo bulshada qeybaheeda kale duwan.

Wafdiga Wasiirka ayaa waxaa kamid ahaa Agaasimayaasha Wasaaradda,Wasiir kuxigeenka dakhliga W/Maaliyadda iyo Wasiir kuxgeenka Dekedaha.

Mudane Dr Cabdullaahi Sheekh Axmed ayaa ka dhagax dhigay degmada Tukaraq dhisme cusub oo ay yeelayano Wasaaradda Maaliyadda Puntland[Kastam].

Tukaraq ayaa horay waxaa uga jiray Kastam cashuuraha Wasaaradda Maaliyadda Puntland,waxaana Dr Cabdullaahi Sheekh Axmed uu dhagax dhigay dhisme cusub.

Waaxda Warbaahinta