DSC_0847

Wasiirka Maaliyadda Puntland Dr Cabdullaahi Sheekh Axmed oo ka qeybgalay Shir Looga hadlay Ammaanka guud ee gobolka Bari[Sawirro]

DSC_0847Shir ballaaran oo si qoto dheer looga hadlay Ammaanka guud ee gobolka Bari ayaa maanta lagu qabtay guriga gobolka Bari ee magaaladda Boosaaso.

Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirka Maaliyadda ee Dowladda Puntland Dr Cabdullaahi Shiikh Axmed,Guddoomiye kuxigeenka 1- 2aad ee gobolka Bari,Taliska Ciidanka,Culumaa’udiin iyo Xildhibaan.

Ujeedada shirkan ayaa ahaa sidii Iskaashi mideysan looga yeelan lahaa ammaanka gobolka Bari ,shacabka iyo weliba laamaha amniga ee gobolka.

Dr Cabdullaahi Shiikh Axmed
Dr Cabdullaahi Shiikh Axmed

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Dr Cabdullaahi Shiikh Axmed ayaa ku dheeraaday muhiimada amnigu u leeyahay bulshada.

Mudane Dr Cabdullaahi Shiikh Axmed ayaa sheegay in looga baahan yahay waalidiinta Carruurtooda iney Tarbiyeeyaan isla markaana aysan ka qeybqaadan amni xumida.

Wasiirka ayaa sheegay in kooxdii kusoo duushay Puntland ee Al- Shabaab laga adkaaday firxadkoodiina laga muujiyo feejignaan dheeraad ah si aysan magaalada usoo gelin.

Guddoomiye Kuxigeenka 1aad ee gobolka Bari Axmed Cali Cabdullaahi Ciro ayaa ka hadlay shirka ,isagoona sheegay Ujeedada kulanka u ahaa in bulshadu maamulka kala shaqeeyaan Amniga gobolka.

Shiikh Axmed Yuusuf Daad oo kamid ah Culimada ugu waaweyn Puntland ayaa isna sheegay in amnigu kamid yahay nimcooyinka ALLAAH uu bixiyo loona baahan yahay in la adkeeyo.

Xubnihii kale ee kulanka ka qeybgalay oo isla qiray in loo baahan yahay in amniga looga wadashaqeeyo si wadajir ah shacab iyo maamulba.

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka 
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland
mofpuntland@gmail.com