IMG_5377-1.jpg

Wasiirka Maaliyadda Puntland Dr Cabdullaahi Sheekh Axmed oo lagu soo dhaweeyey Garoowe[Sawirro]

Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Dr Cabdullaahi Sheekh Axmed ayaa maanta kasoo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.

Mudane Dr Cabdullaahi Sheekh Axmed ayaa hawlo shaqo ugu maqnaa dalalka Imaaraatka carabta iyo Seychelles ,halkaasoo uu kulamo kula soo qaatay madaxda dalalkaas.

Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Mudane Axmed Yaasiin Saalax ,xubno kamid ah shaqaalaha Wasaaradda iyo maamulka gobolka Nugaal ayaa kusoo dhaweeyey Wasiirka ,garoonka diyaaradaha Garoowe.

Wasiirka Maaliyadda Puntland Dr Cabdullaahi Sheekh Axmed oo ka warbixiyey socdaalkiisa dibadda ayaa sheegay in si guul leh ugu soo dhammaaday.

Dr Cabdullaahi Sheekh Axmed ayaa sheegay in shirarkii uu uga qeybgalay dalalkaas ay ku saabsanaayeen kobcinta iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaale ee Puntland.

​Waaxda Warfaafinta
Maaliyadda Puntland​