65

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo la hadlay Ciidan tababar loo furay

65CARMO—Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Dr Cabdullaahi Shiikh Axmed oo shalay furay Tababar looga furay Ciidanka Booliska Puntland kuliiyada Carmo ayaa sheegay in Puntland u baahan tahay Ciidan tababaran.

Mudane Dr Cabdullaahi Shiikh Axmed oo khudbad guubaabin ah u jeediyey Ciidanka Booliska ee ka kala yimid Mudug,Nugaal,Sool,Sanaag iyo Hayland ayaa tilmaamay ciidanka ay Puntland dooneyso iney yihiin ciidan xurmad leh.

Puntland waxay u baahantahay ciidan anshax leh..Puntland waxay u baahantahay ciidan yaqaan shuruucda,ciidan kala yaqaan xuquuqda iyo waajibaadka ,,ciidan xoriyada muwaadinka tixgeliya oo dhowra..”ayuu yiri

Dr Cabdullaahi Shiikh Axmed
Dr Cabdullaahi Shiikh Axmed

Waxa uu sheegay in Ciidankaas uu tilmaamay ALLAAH ka rajeynayo iney kasoo baxaan kulliyada Tababarka ciidanka Booliska ee Carmo ,isagoona u raaciyey in horumar la gaaro ay qeyb weyn ka yihiin.

Ciidanka aan u baahanahay waxa weeye ciidan dhaqaalaha uu u baahan yahay kow idin key idin ka bilaabaneysa .dhaqaalaha aad u baahan tihiin,aqabkiina iyo dharkiina iyo quruxdiinu ,xaasaskiina iyo carruurtiina quruxda badan waxay ku xiran yihiin shaqadiina…”ayuu yiri mar kale.

Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland ayaa kula dardaarmay Ciidanka booliska ee Tababarka loo furay iney ka faa’ideystaan tababarka isla markaana waxa uu ballan qaaday bishan iney qaadanayaan Mushaharaadkooda.

28 76

Waaxda Warbaahinta ee Maaliyada Puntland
mofpuntland@gmail.com
Bosaso