Wasiirka Maaliyadda Puntland Dr.Cabdullaahi Shiikh Axmed oo Shacabka Puntland Ugu Hambalyeeyey Ciidal-fidriga

DSC02451-740x416QARDHO – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Dr Cabdullaahi Shiikh Axmed ayaa maanta hambalyo u diray dhammaan muslimiinta caalamka gaar ahaana shacabka Puntland.

Mudane Dr Cabdullaahi Shiikh Axmed ayaa guud ahaan Ummada Soomaaliyeed Eebe uga baryey in ay si farxad iyo nabadgelyo leh ku Ciidaan ,Isna cafiyaan isuguna hambalyeeyaan farxada maalinta Ciida.

“”Ciid Mubaarak,Ciid Mubaarak ,dhammaan Shacabka reer Puntland ,waxaan idin rajeynayaa idinka Xaasaskiina,carruurtiina iyo eheladiina meel kasta aad joogtaan in aad ku ciidaan ciid wanaagsan oo farxad iyo nabadgelyo leh”“ayuu yiri Dr Cabdullaahi Shiikh Axmed

DSC02447-740x416Wasiirka ayaa Eebe uga rajeeyey Ummada reer Puntland in sannadkaan sannadkiisa kale aynu ku gaarno nabadgelyo,naxariis,wadajir,horumar,midnimo iyo dowladnimo.

Ugu danbeytii Wasiirka ayaa faraxada maalintan weyn ee Ciidal-fidriga ugu hambalyeeyey dhammaan shaqaalaha iyo Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland.

Tifaftiraha Guud ee Website
Wasaaradda Maaliyadda Puntland
Osman Ahmed