14

Wasiirka Maaliyadda Puntland Dr Cabdullaahi Shiikh Axmed oo u kuurgalay Xaaladda Isbitaalka iyo Airporka Bosaso[Sawirro]

14BOOSAASO – Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Dr Cabdullaahi Shiikh Axmed ayaa booqasho ku tagay Isbitaalka weyn ee magaalada Iyo garoonka diyaaradaha ee Boosaaso.

Mudane Dr Cabdullaahi Shiikh Axmed ayaa booqashadiisa ,waxaa ku weheliyey Guddoomiyaha gobolka,kan degmada Bosaso iyo xubno kale.

5Wasiirka Maaliyadda Puntland ayaa ugu horeyn tagay Isbitaalka Bosaso ,isagoona kormeeray qeybaha uu ka kooban yahay isla markaana xaaladooda ka wareystay bukaanada ku jira Isbitaalka.

Wuxuu booqday oo kale Mudane Dr Cabdullaahi Shiikh Axmed iyo wafdigiisa garoonka diyaaradaha ee magaaladda Boosaaso,isagoona la kulmay mas’uuliyiinta isla markaana kormeer ku sameeyey qeybaha uu ka kooban yahay.

Kormeerka ka dib ayaa Wasiirka Maaliyadda Puntland Dr Cabdullaahi Shiikh Axmed ,wuxuu kulan la yeeshay saraakiisha garoonka ,iyagoona uga warbixiyey xaalada amniga ee garoonka.

2 3 4 6 7 8 9 10 11 12 13 15 16 18 19 20 21 22 23

Waaxda Warbaahinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland
mofpuntland@gmail.com