F36A3A8E-02CF-4FCA-BF77-3667CA3180B9.jpg

Wasiirka Maaliyadda Puntland iyo wafti uu hoggaaminayo oo dib ugu soo noqday Garoowe[Sawirro]

GAROOWE – Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi iyo wafti uu hoggaaminayo oo dhoowaan safar ugu ambabaxay dalka Itoobiya ayaa maanta dib ugu soo noqday Puntland gaar ahaana Garoowe.

Waftigan ayaa ka koobnaa Madaxda Wasaaradda Maaliyadda, Golaha Baarlamaanka, iyo lataliyaal ka socda mada tooyada Puntland

Madaxdan ayaa ka qaybgalay shirkii Dayn-cafinta Soomaaliya laguna qabtay dalka Itoobiya, Wasiirka Maaliyadda oo la hadalay Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaardda ayaa sheegay in shirkaasi guul kusoo dhamaaday.

Xasan Shire Cabdi Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ayaa sheegay intii ay ku sugnaayeen Addis Ababa in ay kulan la yeesheen madaxda Wasaaradda Maaliyadda Federaalka iyo Dawladaha xubnaha ka ah.

Wasiirka ayaa sheegay in shirka ay yeesheen Wasiirada Maaliyadda looga hadlay in la joogteeyo kulamada, xogtana la kala qaato waxaana uu sheegay in laysku afgartay shirkaasi.

Dhinaca kale Wasiirka Maaliyaddu waxa uu sheegay in ay kulan yeesheen gudiga Baarlamaanka ee Maaliyadda,waxaana looga hadlay sharcigii dakhliga isaguna guul ayuu ku soo dhamaaday,waxaana uu sheegay in ay rajaynayaan in qaybta dambe lagu qaban doono Garoowe.

Waxaa xusid mudan in Puntland ay soo gaareen Wasiiro ka tirsan Dawladda Federaalka Soomaaliya in kastoo oo Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaardda Maamliyaddu xog dheeraad ah kahayn safarkooda Puntland.

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland