155AD8E3-4F50-4A1F-94E0-5ADC27C835E4.jpg

Wasiirka Maaliyadda Puntland iyo Wafti uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Addis Ababa.

ADDIS ABABA- Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya.

Waftigan ayaa horay uga ambabaxay Puntland si ay uga qaybgalaan kulan looga hadlaayay hannaanka horumarinta Maaliyadda oo ay ka qaybgaleen Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladaha Xubnaha ka ah kana dhacay magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Puntland socdaalkooda Addis Ababa waxa ay kulan kula yeesheen Madaxwayne kuxigeenkii hore ee Puntland ahna Safiirka Soomaaliya u fadhiya Itoobiya Eng. Cabdixakiin Xaaji Cumar Camay.

Xafiiska Waciyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland