827AD55E-1E93-4337-B155-9C7D8ADF5B1A.jpg

Wasiirka Maaliyadda Puntland iyo Wafti uu hoggaaminayo oo u ambabaxay dalka Itoobiya[Sawirro]

GAROOWE – Wafti uu hoggaaminayo Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa safar shaqo ugu ambabaxay dalka Itoobiya gaar ahaan caasimadiisa Addis Ababa.

Safarkan shaqo Wasiirka waxaa ku weheliyay Wasiir dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Maxamed Cabdulqaadir,Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Faysal Cabdulaahi iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ayaa dalka Itoobiya gaar ahaan caasimada Addis Ababa kaga qayb gali doona shir ku aadan Hanaanka Maaliyadda iyo dayn cafinta Soomaaliya waxana qabanaaya Bangiga Adduunka iyadoona lagu cumsay Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Federaalka iyo Wasaaradaha Maaliyadda Dawladaha xubnaha ka ah Federaalka Soomaaliya.

Garoonka Diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir waxaa Madaxdan ku saagootiyay Wasiirku Xigeenka Maaliyadda ahna siihayaha xilka Wasiirka Mudane Cumar Xasan Fiqi iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Puntland.

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland