IMG_2585

Wasiirka Maaliyadda Puntland iyo Wafti uu hoggaaminayo oo u Ambabaxay dalka Kenya [Sawirro]

IMG_2585GAROOWE – Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Dr Cabdullaahi Sheekh Axmed iyo wafti ballaaran oo u hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Wasiirka Maaliyada Puntland ayaa safarkiisa,waxaa ku weheliyey Saraakiil ka tirsan Wasaaradda iyagoona mudada ay joogaan magaalada Nairobi kulamo kala duwan la qaadan doonaan Madaxda Bangiga Adduunka.

Dr Cabdullahi Sheekh Axmed
Dr Cabdullahi Sheekh Axmed

Mudane Dr Cabdullaahi Sheekh Axmed ayaa Saxaafadda u sheegay in Nairobi uga qeybgalayo shir ka dhacaya isla markaana uu kulamo la qaadan doono xubnaha daneynaya arrimaha Puntland.

Magaalada Nairobi ayaa qorshaha ay u tagayeen ,waxaa kamid ah sidii ay wax badan uga ogaan lahaayeen heerka uu xiligan marayo Arrimaha dhaqaalaha dalka iyo Xiriitka Bangiga Adduunku la leeyahay dalka.

Shir ballaaran oo lagu qabanayo dalkaas ,ayaa waxaa qeyb ka ah Dowladda Federaalka iyo xubnaha Maamulada dalka.

IMG_2596 vlcsnap-2016-07-24-08h29m59s202

Maxamuud Cabdisalaan
Wasaaradda Maaliyadda
Xafiiska Garoowe