E17C9D8F-24DA-48E9-931B-ECF7C4EA179C.jpg

Wasiirka Maaliyadda Puntland iyo wafti uu hoggaaminayo oo u ambabaxay Kampala

GAROOWE – Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa safar shaqo ugu ambabaxay magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Wasiirka iyo waftigiisa waxaa Garoonka diyaaradaha ee caasimada Gen. Maxamed Abshir kusii saagootiyay Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Mudane Cumar Xasan Fiqi,Taliyaha Ciidamada Boliska Puntland Gen.Muxyadiin iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda. 

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ayaa ka qaybgali doona shir ka dhici doona Kampala kaasi oo looga hadli doono Wadashaqaynta iyo is dhaafsiga xogaha Wasaaradaha Maaliyadda Dawladda Federalka Soomaaliya iyo Dawladaha xubnaha ka ah.

Waxaa xusid mudan in shirkan uu ka horeeyay shir dhowaan ka dhacay magaalada Garoowe,Kaasi oo ay ka qaybgaleen Agaasimayaasha Wasaaraadaha Dawladda  Federaalka iyo Dawladaha xubnaha ka ah ayadoo ay weheliyaan khuburo ku xeel dheer arimaha dhaqaalaha.

Xafiiska Waciyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland