IMG_2194.jpg

Wasiirka Maaliyadda Puntland Iyo Wafti uu hoggaaminayo oo u ambabaxay magaalada Kismaayo[Sawirro]

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Cabdullaahi Siciid Carshe iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa maanta oo sabti ah u ambabaxay magaalada Kismaayo ee xarunta Kumeelgaarka ah ee Maamulka Jubbaland.

Wasiirka Maaliyadda Puntland Cabdullaahi Siciid Carshe iyo waftigiisa ayaa kaga qeybgalay magaalada Kismaayo shir looga hadlaayo hannaanka mideynta cashuuraha dalka.

Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalaya Dowladda Federaalka iyo Wasiirada Maaliyadda ee maamul goboleedyada dalka,kaasoo noqonaya kii labaad oo noociisa ah oo ka dhaca dalka,halkii shirkan wejigiisii koowaad uu ka dhacay Garoowe.

Wasiir Carshe oo warbaahinta la hadlay ka hor inta uusan ka ambabixin garoonka diyaaradaha ee Garoowe,waxa uu faahfaahin ka bixiyay qorshaha socdaalkiisa Kismaayo iyo arrimaha diirada lagu saarayo shirka.

Shirkan ayaa lagu wadaa in diirada lagu saaro mideynta iyo horumarinta nidaamka Maaliyadda dalka taasoo qeyb ka ah dadaallada dib loogu habaynayo dhaqaalaha dalka.

Waaxda Wacyigelinta iyo Warbaahinta

Maaliyadda Puntland