2749987C-4002-4707-BE9E-6D1DA531ACA9.jpg

Wasiirka Maaliyadda Puntland iyo waftigiisa oo shir uga qeybgalaya dalka Itoobiya[Sawirro]

ADDIS ABABA – Magaalada Adis Ababa ee Caasimada dalka Itoobiya ,waxaa maanta ka furmay shir looga hadlaayay Dayn cafinta Soomaaliya, ayna ka qaybgalayeen Wasiirada Dawladda Federaalka ee Maaliyadda, iyo Madaxda Wasaaradaha Maaliyadda Dawladaha xubnaha ka ah Federaalka Soomaaliya

Shirkan Dawladda Puntland waxaa uga qaybgalay wafti uu hoggaaminayay Wasiirka Maaliyadda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi oo ay weheliyaan la-taliyaal sare ee Madaxwaynaha Puntland iyo mas’uuliyiin kale.

Shirkaas oo maanta furay waxaa soo qaban qaabiyay Bangiga Aduunka iyo Europian Union, intii uu shirkaasi socday ayaa laga soo jeediyay xogo kala duwan oo ku aadan daymaha Soomaaliya, dhaqaalaha Dalka iyo arimo kale.

Dhanka Dawladda Puntland waxaa halkaasi ka hadlay Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi waxaana uu sheegay in Soomaaliya u baahan tahaytaageero dhaqaale.

Shirkan ayaa la soo afmeermay, waxaana uu ku soo dhamaaday guul.

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland