2484D3DF-0590-4D69-B7ED-E4B7461D36DF.jpg

Wasiirka Maaliyadda Puntland iyo Wasiirka Amniga Puntland oo Booqday Xerada Ciidanka Xorgoble ee Qardho[Sawirro]

QARDHO – Wasiirka Maaliyadda Puntland Xasan Shire Cabdi , Wasiirka Amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan oo u weheliyo Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Puntland Gen. Yaasiin Cumar Dheere ayaa maanta booqday xeradda ciidamada xorgoble ee magaalada Qardho.

Booqashada sidoo kale waxaa ku weheliyay maamulka gobolka Karkaar,kan degmada, taliska qaybta iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dawladda Puntland.

Guddiga dib u habaynta Ciidamada Puntland ee uu hormuudka u yahay Wasiirka Maaliyadda Puntland ayaa u kuurgalay xaaladda Ciidanka, hannaanka uu socdo tababarka iyagoona warbixino ka dhageystay Taliska xeradda iyo macallimiinta gacanta ku haya Ciidamada tababarka xeradda Xorgoble ee magaalada Qardho.

Wasiirka Maaliyadda Puntland Mudane Xasan Shire  Cabdi ayaa si adag uga hadlay helida Xuquuqda Ciidamada iyo in ay iyaguna  gutaan waajibaadka qaran ee looga baahan yahay.

….” Dawlada uu hoggaaminayo Madaxwayne Dr Siciid Cabdulaahi Deni waxaa ka go’an sidii dib u habayn loogu samayn lahaa ciidamada, si loo helo ciidamo tirsan oo tayo leh ma dhici doonto in mushaharaadka ciidamada ay cid u gacan-gasho, qofkasta isagga ayay si toos ah akoonkiisa ugu soo dhici doontaa” ayuu yiri Wasiir Maaliyadda Puntland.

Wasiirka Amniga Dawladda Puntland Mudane Cabdisamad Maxamed Galan ayaa  ka hadlay habka diwaanta ee ay wadaan.

….” Diiwaan-galinta aan wadno waa mid fure u noqon doonta in la helo Ciidamo la yaqaan tiro ahaan iyo tayo ahaan dhamaana Ciidamadu waa mari doonaan..” ayuu yiri Wasiirka amniga Puntland.

Madaxwaynaha Dawladda Puntland Mudane Dr Siciid Cabdulaahi Deni ayaa horay u ballan qaaday in Xukumadiisu ay xooga saari doonto dhismaha Ciidamada.


Xafiiska Waciyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland