64499878_2242969312438606_6759029113622626304_n.jpg

Wasiirka Maaliyadda Puntland iyo xubno kale oo gaaray Galdogob[Sawirro]

Guddiga dibu habaynta Maamulka Hay’addaha Dowlada ee gobolka Mudug Oo ay Guddoomiye iyo guddoomiye kuxigeen ka yihiin Wasiirka arrimaha guddaha iyo Wasiirka Maaliyadda Dowlada Puntland Xasan Shire Cabdi iyo Mas’uuliyiin kale ayaa Safar ay ugu kuur-galayaan Xaaladdaha Deegaan, Mid dhaqaale iyo Xaalada Amni ku tagay degmada Galdogob iyo Deegaanka Daaru-salaam ee Gobolka Mudug.

Wafdigan ayaa waxa ay booqasho ku tageen Kastamka Tuurdibi oo ah Xuduuda Dowlada Soomaaliya iyo Itoobiya ee duleedka magaalada Galdogob.

Wafdigan  ayaa waxa Galdogob Kusoo dhaweeyey Wasiirka Ganacsiga ee dowlada Puntland Cabdilaahi Cabdi Xirsi iyo Guddoomiyaha degmada Xasan Faarax Ayaxle iyagoona Warbixin ka dhageytsay mas’uuliyiin ay kamid ahaayeen Wasiirka Ganacsiga ,Guddoomiyaha, degmada iyo kuwa kastamka,

Wasiirka Ganacsiga ayaa ku dheeraday muhiimada gacacsi ee Tuurdibi u leeyahay labada dal iyo in uu meel wanaagsan marayo inay labada dalba ka faa’ideystan.

Xisaabiyaha Wasaarada Maaliyada Gobolka Mudug Ismaaciil Cabdinuur Geesey ayaa sheegay side uu Kastamka Tuurdibi muhiimka ugu yahay dakhliga dowlada.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee dowlada Puntland Xasan Shire Cabdi ayaa shaqaalaha iyo howl wadeenada Wasaaradda Maaliyadda kula dardaarmay inay ka fogaadaan waxkasta oo masuqmaasuq ah loona baahan yahay in sare loo qaado soo xareynta dakhliga kasoo xarooda Cashuuraha kale duwan.

Waftiga ayaa waxay booqdeen Saldhiga Booliska iyo koontaroolka Xigga dhanka Itoobiya, safarkaasi kadibna caawa ku soo laabtay magalada Gaalkacyo.

Xaafiska Warfaafinta iyo wacyigalinta Wasaaradda Maaliyadda ee Xafiiska Gobolka Mudug