Wasiirka Maaliyadda Puntland oo Baarlamaanka Horgeeyey Miisaaniyada sannadka 2016-ka [Cod]

cabdullaahi-740x493GAROOWE – Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Dr Cabdullaahi Shiikh Axmed ayaa maanta horgeeyey Baarlamaanka Puntland maanta oo Isniin ah Miisaaniyadda sannadka 2016-ka.

Mudane Dr Cabdullaahi Shiikh Axmed oo khudbad dheer Gollaha Baarlamaanka hortiisa ayaa sheegay in miisaaniyaddu ka duwan tahay tii hore lagu soo dhaqmayey sannadkii 2015-ka.

Waxa uu sheegay in iney miisaaniyaddu xal u raadineyso in dowladu ku dhaqanto ,iyadoona ka kooban tahay dakhliga gudaha iyo deeqaha laga filaayo caalamka gaar ahaana Bangiga Adduunka.

agaasimayaal-740x493Wasiirka Maaliyadda Puntland Dr Cabdullaahi Shiikh Axmed ayaa sheegay in dakhliga dowladda lixda bilood ee sannadka 2016 ee ugu horreysa uu noqonayo $5,843,193 Dakhligaas oo u kala qaybsan Dakhliga Gudaha iyo Dakhliga laga filayo dibada ,Dakhliga Gudaha $4,800,000 ,Dakhliga Dibada laga filayo $ 1,043,193.

Dr Cabdullaahi Shiikh Axmed ayaa tilmaamay in miisaaniyadda sannadkii 2015-ka ay wax badan iska bedaleen Lixdii bilood ee u danbeysay isla mar ahaantaana uu kharash aad u badan uu galay gobolka Mudug.

Xildhibaanada Baarlamaanka Dowladda Puntland ayaa la filayaa iney kalfadhigooda uga doodaan Miisaaniyadda sannadka 2016-ka ayna meel marin doonaan ama wax iska bedel ku sameyn doonaan.

Waaxda Warbaahinta