F1AEC114-34C2-4331-B76C-98A3BA216E92.jpg

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo booqday Bangiga Dowladda ee Boosaaso(Sawirro)

Wasiirka Waaradda Maaliyadda Dawladda Puntland Xasan Shire Cabdi iyo wafti uu hogaaminaayo ayaa booqday Bangiga Dawladda Puntland ee Boosaaso.

Boqashadan Wasiirka waxaa ku weheliyay Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Cumar Xasan Fiqi, Xisaabiyaha Guud ee Dawladda C/risaaq Siciid Nuur,Agaasime Guud ku xigeenka Dakhaliga Xasan Cali Samatar iyo masuuliyiin kale

Wasiirka iyo Waftiga uu Hogaaminaayay waxaa Bangiga ku soo dhoweeyay Maamulaha Bangiga laanta Boosaaso Muuse aw Xuseen Ducaale halkaasi oo ay kulan ku wada qaateen masuuliyiinta labada dhinac.

Mudadii uu kulanku socday Maamulaha Bangiga laanta Boosaaso Muuse aw Xuseen Ducaale ayaa Wasiirka iyo Wasiirku kuxigeebka u soo bandhigay in ay muhiim tahay in laysku xiro khasnada Dawladda ee Gobolada Puntland oo dhan.

https://www.facebook.com/mof.puntland/videos/990706034457272/

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ayaa soo dhoweeyay talaabadan dhanka isku xirka khasnada Dawladda Gobolada Puntland oo dhan.

Sidoo kulanka ayaa looga wada hadlay habsami usocodka shaqada Bangiga gaar haana laanta magaalada Boosaaso.

Wasiirka Wasaaaradda Maaliyadda Dawaldda Puntland iyo wafiga uu hogaaminaayay ayaa booqday qayabaha kala duwan ee Bangiga iyo shaqaalaha.

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland