FB_IMG_1526491465122.jpg

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo Booqday Furimaha ay ku sugan yihiin Ciidamada Difaaca Puntland[Sawirro]

GudigaTaakulaynta iyo Amniga ayaa Booqday Goobihii lagu dagalamay iyo Taliska Guud ee Ciidamada Difaaca Puntland waxana waftigaasi hogaaminaayay Wasiirka Maaliyadda
Puntland

Deegaankii uu dagaalka ku dhexmaray Ciidamada Dawaldda Puntland iyo kuwa soomaliland ayaa waxaa Booqday Gudiga Taakulaynta iyo Amniga Ciidamada Dawadalada waxana waftigan hogaaminaayay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland C/qaadir Siciid Carshe Dhaqaaje waxana ku weheliyay Wasiirka warfafinta Cabdi Cali Xidrsi Qarjab,Cabdi wali Xirsi {Indho Guran} iyo Masuuliyin kale

Wasiirka Maaliyadda iyo Waftiga uu hogaaminaayay ee gaaray Goobihii daagaalka iyo Taliska Guud ee Difaaca Ciidamada Dawladda Puntland waxana ay la kulmeen saraakiisha Ciidamada ee ku sugan deegaankaasi

kulan dhex maray Gudiga Taakulaynta iyo saraakiisha Ciidamada Dawladda Puntland ayaa looga wada hadlay wax yaabaha ay ciidamadu tabayaan ee loo bahan yahay in si dhakhso ah loo helo

Gudiga taakulaynta Ciidamda oo uu hogaaminaayay Wasiirka W/Maaliyadda Puntland ayaa balan qaaday in baahiyaha ay usoo gudbiyeen Saraakiisha ay wax ka qaban doonaan si deg deg ah.

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta W/Maaliyadda Puntaland