D531395F-110F-433E-B043-8D2B116FEA9B.jpg

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo Booqday Garoonka diyaaradaha Cabdullaahi Yusuf ee Gaalkacyo(Sawirro)

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa kormeer shaqo ku tagay Garoonka Diyaaradaha Cabdulaahi Yuusuf magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Kormeerkan shaqo ee Wasiirka waxaa ku weheliyay Agaasime Guuud kuxigeenka Dakhliga, Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda Gobolka Mudug iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda.

Wasiirka Maaliyadda Mudane Xasan Shire Cabdi kormeerkan shaqo ee Garoonka ayaa ahaa ogaanshaha shaqada iyo shaqaalaha Wasaaradda ee ka hawalgala Garoonka Diyaaraha Gaalkacyo.

Masuuliyiinta Garoonka ayaa Wasiirka iyo waftiga uu hoggaaminaayay halkaasi ku soo dhoweeyay, Madaxda Wasaaradda Maaliyadduna Wasiirka ay usoo gudbiyeen habsami usocodka shaqada.

kormeerkaasi markii uu soo afmeermay Agaasime Guud kuxigeenka Dakhliga Xasan Cali Samatar ayaa la hadlay Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maamliyadda.

“Muddoba wafti uu hoggaaminaayay Wasiirka Maaliyadda ayaa ku sugnaa Gobolka Mudug goobo badan waa uu booqday maanta waxaa la tagay Garoonka Diyaaradaha Cabdulaahi Yuusuf booqashada Wasiirkuna waxay ahayd in uu wax ka ogaado shaqada iyo shaqaalaha wuuna soo arkay”

Xasan Cali Samatar Agaasime guud ku xigeenka Dakhliga oo hadal kiisa siiwata ayaa yiri…”

Wasiirku kulan kii uu laqaatay madaxda iyo shaqaalaha waxa uu siiyay talooyin dheeraad oo ku aadan dhanka shaqada shaqaaluhuna waa balan qaadeen in ay qaadan doonaan talooyinka Wasiirku siiyay marar kalena waa booqan doonaa Garoonka”.

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland.