9A0559B9-CB9A-4048-B754-5424D51FA9DE.jpg

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo Booqday Kastamyada Maaliyadda ee ku yaalla Gaalkacyo(Sawirro)

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi oo weli hawalo shaqo u jooga Magaalada Gaalkacyo ayaa kormeereey Kastamyada Wasaaraddu ku leedahay Magaalada Gaalkacyo.

Kormeerkan ayaa ahaa mid shaqo,waxana ku weheliyay Agaasime guud kuxigeenka Dakhliga Xasan Cali Samatar, Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda Gobolka Mudug Ismaaciil Cabdinuur Geesay iyo mas’uuliyiin kale.

Xasan Shire Cabdi, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Kastamyada uu booqday ayaa waxaa ka mid ahaa Kastamka Koonfureed ee kaabiga ku haya Maamulka Galmudug,madaxda Wasaaraddana xog dheeraad ah ay ka siiyeen habsami usocodka shaqada.

Sidoo kale Kastamyada Barriga ayaa ka mid ahaa goobaha uu Wasiirka Wasaaradda Maaliyaddu Booqashada ku tegay soona ogaaday shaqaalaha ka shaqeeya iyo habsami usocodka shaqada.

Kormeerkaasi markii uu soo afmeermay Wasiirka Maaliyadda Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa la hadlay Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland.

“ilaahay baa mahad leh waa maalintii labaad ee kormeer dhanka shaqada ah ee goobaha dakhligu kasoo xeroodaan aanu ku tagno, waxanu booqanay kastamka dhinaca Koonfureed,shaqaduna si wanaagsan bay usocotay waana bogaadinayaa”

“Sidoo kale waxaanu booqnay kastamka suuqa kuyaala iyo Halabooqad dhamaana shaqaalahu waxa ay gudanayeen waajibaad kii shqo ”

Ugu dambayn Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa u mahadceliyay Madaxda iyo shaqaalaha Wasaaradda ee Gobolka Mudug

“Waxaan u mahadcelinayaa madaxda iyo shaqaalaha Wasaaradda ee ku shaqaynaya duruufaha adag ee aanu soo aragnay,waxanse faraynaa in ay xoojiyaan wax soo saarka dakhliga Gobolka Mudug”.

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland