22448539_2010394165861328_4577277024906072981_n.jpg

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo Booqday Xafiiska Tayo dhowrka Cuntada iyo Daawada ee Boosaaso(Sawirro)

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Cabdullaahi Siciid Carshe iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa booqday xarunta Tayo dhowrka cuntada iyo daawada ee Boosaaso.

Waxaa ku weheliyey booqashadiisa,Wasiir dowlaha Maaliyadda,Xisaabiyaha guud,Agaasimaha Madaxtooyada Puntland iyo xubno kale oo ka tirsan W/Maaliyadda Puntland.

Mudane Cabdullaahi Siciid Carshe ayaa warbixin ka dhageystay mas’uuliyiinta booqday xarunta Tayo dhowrka cuntada iyo daawada ee Boosaaso.

Ugu dambeyn ,Wasiir Cabdullaahi Siciid Carshe ayaa ku ammaanay mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha xarunta Tayo dhowrka cuntada iyo daawada ee Boosaaso shaqada ay u hayaan shacabka Puntland.

Hoos ka daawo booqashada Wasiirka

Osman Isse