unnamed-6.png

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo Booqday Xarumaha Ciidanka difaaca Puntland ee gobolka Sool[Sawirro]

Maaliyadda Dowladda Puntland Cabdullaahi Siciid Carshe ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay xarumaha ay degan yihiin ciidanka difaaca Puntland ee gobolka Sool iyo Kastamka Cashuuraha Tukaraq.

Mudane Cabdullaahi Siciid Carshe ayaa la kulmay mas’uuliyiinta degmada Tukaraq iyo maamulka Maaliyadda ,wuxuuna ka xog waraystay sida ay u socoto shaqadu.

Wasiirka Maaliyadda Puntland ayaa sidoo kale booqday Fariisimaha ciidamada Puntland ay kaga sugan yihiin aagagaas,wuxuuna kala hadlay xaaladooda.

Wasiirka ayaa warbixin ka dhageystay Col. Jimcaale Jaamac Takar oo hoggaaminaya ciidamada ku sugan aagaas,isagoona si qoto dheer uga waramay xaaladda ciidanka.

Col. Jimcaale ayaa sheegay in Wasiirka Maaliyadda Cabdullaahi Siciid Carshe uu yahay Wasiirkii ugu horreeyey ee booqda furimaha ay ciidamadu kaga sugan yihiin difaaca,wuxuuna raaciyey iney diyaar u yihiin difaaca dalkooda.

“ Haddii aad ahaan lahayd nin Basaboor ajnabi ah wata nooma aadan timaadeen balse waxaad tahay nin daljoog ah”ayuu yiri Col.Jimcaale.

Wasiirka Maaliyadda Puntland Mudane Cabdullaahi Siciid Carshe ayaa dhankiisa uga mahaceliyey maamulka degmada Tukaraq iyo Ciidanka difaaca Puntland sida weyn ay usoo dhaweeyeen,wuxuuna u ballan qaaday iney ku dadaalayaan sidii ay u heli lahaayeen mushaaraadkooda iyo xuquuqda ay leeyihiin.

“ Shacabku waxa ay ku seexdaan ciidamada anaguna waxaan ballan qaadeynaa inaan siino mushaarkooda iyo xaqa ay leeyihiin”ayuu yiri Mudane Cabdullaahi Siciid Carshe.

Wasiirka Maaliyadda Puntland Cabdullaahi Siciid Carshe ayaa wada dardargelin shaqo,wuxuuna kulamo iyo kormeero shaqo ku sameynayey Waaxyaha Wasaaradda ee Puntland.

Xafiiska Wacyigelinta iyo Warbaahinta

Garoowe/Puntland