19A5579D-CFE2-4F3C-9CA7-C90CE50E893F.jpg

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo Booqday Xarunta W/Maaliyadda iyo Xarumaha kale ee dowladda ee degmada Badhan[Sawirro]

BADHAN – Waftigii uu hoggaaminayay Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi  ayaa booqday goobo ay ka mid yihiin garoonka diyaaradaha, Bangiga  Dawladda, Xarunta Wasaaradda Maaliyadda iyo xerasa Ciidamada ee degmada Badhan.

Mas’uuliyiinta Wasaaradda  Maaliyadda ee Kastamka garoonka diyaaradaha ee degmada Badhan ayaa Wasiirka xog dheeri ah ka siiyay habsami usocodka shaqada.

Wasiirka ayaa sidoo kale booqday Bangiga Dawladda laanta Badhan iyo xarunta Wasaaradda Maaliyadda, waxana kulan dhanka shaqada ah la qaatay Xisaabiyaha Gobolka iyo shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda.

Intii uu socday kormeerkan shaqo madaxda Dawladdu waxa ay booqdeen Xerada laga hirgaliyay degmada Badhan.

Kulan ay wada yeesheen Saraakiisha Ciidamada Daraawiishta ee gobolka Sanaag iyo Wasiirka Maaliyadda ayaa looga wada hadlay waxyaabaha ugu dabeeya ee Xerada ka dhiman aydoo dhowaan la filayo in Ciidamada Daraawiishta lagu tababari doono.

Xafiiska Waciyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda puntland