DSC_0260

Wasiirka Maaliyadda oo Casumaad u Sameeyey Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed[Sawirro]

DSC_0260
BOOSAASO – Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Dr Cabdullaahi Sheekh Axmed ayaa xalay casho sharaf ugu sameeyey Hotel Village ee Boosaaso Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Maxamed Sheekh Xasan Xaamud iyo  wafdigiisa.

Xafladda casho sharafta ah ayaa ,waxaa ka qeybgalay Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Cabdirisaaq Afgaduud,Guddoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Dhado,Duqa Boosaaso Eng Yaasiin Mire,saraakiisha DF & Puntland iyo marti sharaf kale.

Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Dr Cabdullaahi Sheekh Axmed oo casumaada casha sharafta fidiyey ayaa sheegay in uu kusoo dhaweynayo Puntland isla markaana faxad u tahay in Ciidanka Boolisku tayo yeesho.

Mudane Dr Cabdullaahi Sheekh Axmed ayaa kula dardaarmay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo wafdigiisa ee soo gaaray Puntland iney midnimada iyo isu socodka la Joogteeyo.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa sheegay in uu si weyn uga mahadcelinayo sida sharafta leh ee loogu sameeyey casha sharafta iyo weliba soo dhaweynta Puntland.

Mudane Dr Cabdullaahi Sheekh Axmed
Mudane Dr Cabdullaahi Sheekh Axmed

Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa tilmaamay in soo dhaweyn fiican kala kulmeen Dowlad iyo shacaba reer Puntland sidaas si lamid ahna ay ballan qaadayaan iney uga soo baxaan abaalka loo galay.

Maxamed Sheekh Xasan Xaamud
Maxamed Sheekh Xasan Xaamud

Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Gen Cabdirisaaq Afgaduud ayaa isna dhankiisa xusay in imaatinka Taliyaha ay sharaf u tahay ciidanka Booliska Puntland ,waxaana uu Taliyaha u sheegay in uu yimid dalkiisa u yimid shacabkiisii soo booqday Ciidankiisa Booliska Puntland.

Sidoo kale Guddoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays “Dhado” iyo Duqa degmada Boosaaso Xasan Cabdalla Xasan ayaa dhankooda sheegay in ay soo dhaweynayaan Taliyaha iyo wafdigiisa.

Si kastaba ha ahaatee Dowladda Puntland iyo Shacabkeeda ayaa si gobanimo iyo sharaf leh usoo dhaweeyey Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Maxamed Sheekh Xasan Xaamud iyo wafdigiisa.

Warbaahinta ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland
mofpuntland@gmail.com