637854A0-9A8F-4A6C-BBE4-53EA4BC72716.jpg

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo daahfuray Barnaamijka FMIS-ka ee Wasaaradaha(Sawirro)

Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Xasan Shire Cabdi ayaa daah furay Barnaamijka FMS ee Wasaaraddaha Dawladda.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland Puntland ayaa maanta si rasmi ah u daah furay Barnaamijka( FMS ) maaraynta Maaliyadda ee Wasaaradaha Dawladda Puntland.

Agaasimayaasha Wasaaradaha Dawladda ayaa loo qaybiyay qalb ay soo diyaariyeen Masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda loona adeeg sandoono Maaraynta Maaliyadda ee FMS.

Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland ayaa Agaasimayaasha Wasaaradaha Dawladda ee loo qaybiyay qalabkan kula dardaarmay in ay ku shaqeeyaan si ay isugu xirnaadaan Wasaaradda Maaliyadda iyo Wasaaradaha kale.

Masuuliyiinta Wasaaradaha Dawladda ee qalabkan la gudoon siiyay ayaa Wasiirka Wasaardda Maaliyadda uga mahad celiyay soo gaarsiinta qalabkan waxayna sheegeen in ay hir galin doonaan ku shaqayntiisa.

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland