6E87C803-4F8F-4122-BC85-63D78E4586ED.jpg

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo dhagax dhigay Bangiga Laanta Badhan iyo W/Maaliyadda [Sawirro]

BADHAN – Wasiirka Maaliyadda, Godomiyaha Gobolka, Duqa Degmada Badhan iyo Xisaabiyaha  gobolka Sanaag ayaa dhagax dhigay dhismaha Bangiga laanta Badhan iyo Wasaaradda Maaliyadda.

Xarumahan dhismahooda ayaa dhowaan la bilaabi doonaa aydoo maamulka gobolkq iyo kan degmadu Wasiirka uga mahadceliyeen hirgalinta dhismayaashan.

Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa sheegay in Dawladda uu hoggaaminayo Madaxwayne Dr Siciid Cabdulaahi Deni ay ka go’an tahay  in la hir galiyo hanaan Dawladdnimo. 

Bangiga Dawladda iyo Wasaaradda Maaliyadda ayaa ku jira guryo kiro ah balse dhowaan degmada Badhan laga hirgalin doono dhismayaal ay Dawladdu leedahay.

Xafiiska Waciyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda PuntlandÂ