1.jpg

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo Dhagax-dhigay Dhismaha Kontoroolka Laanta Dusmada ee Gaalkacyo[Sawirro]

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Cabdullaahi Siciid Carshe ayaa maanta ka dhigay-dhigay magaalada Gaalkacyo dhismaha Kontoroolka cusub uu yeelanayo Laanta Dusmada Gaalkacyo.

Mudane Cabdillaahi Siciid Carshe ayaa sidoo kale ,waxaa ku weheliyay dhagax-dhiga Agaasimaha guud ee Cashuuraha W/Maaliyadda Puntland Cali Farxaan iyo Xisaabiyaha guud ee gobolka Barkhadle Aadan Cadde.

Agaasimaha guud ee Cashuuraha Berriga Cali Jaamac Gaashaan(Cali Farxnaa) ayaa ugu horayn ka hadlay dhagax-dhigay,wuxuuna sheegay muhiimada Kastamka.

“ …..Maanta waxaan dhagax dhigaynaa dhismaha kontoroolka cusub ee W/Maaliyadda,Taraafikada ee magaalada Gaalkacyo maadaama magaaladu ballaaratay,mahadaas Ilaahay ka sakow waxa qaatay Wasiirka W/Maaliyadda Cabdullaahi Siciid Carshe…”ayuu yiri Cali Farxaan.

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Cabdullaahi Siciid Carshe oo dhagax dhigay dhismaha Laanta Dusmada ee kontoroolka Gaalkacyo ayaa sheegay in dhimahan uu noqon mid bulshada loogu adeego.

“…..Maanta farxad bey noo tahay inaan halkan dhagax dhigno dhisme ay yeelanayso W/Maaliyaddu qeybta Kastamka oo weliba ay weheliyaan Tafaarikada iyo Ciidamada Turbataariyada ee cashuuraha,wuxuu noqon doonaa meel lagu kontoroolo wax alle wixii soo galaya magaalada Gaalkacyo iyo wixii ka baxaya…”ayuu yiri Mudane Carshe.

Waxa uu sheegay in dhismahan uu noqon doono mid lagu shaqeyn doono laguna dardargeliyo dakhliga isla markaana wax badan kusoo kordhiya gobolka Mudug.

“”Waa meel dadweynaha loogu shaqeyn doono ayay noqonysaa,waxaana rajeynayaa Insha allaahu haddii eebe raali ka noqdo in dhismahaasu dhakhso u dhammaado”ayuu yiri

Wasiirka Maaliyadda Puntland Cabdullaahi Siciid Carshe ayaa kormeeray xarumaha Wasaaradda ee magaaladda.

Hoos ka daawo Sawirrada dhagax-dhiga

Waaxda Wacyigelinta Iyo Warfaafinta

Wasaaradda Maaliyadda Puntland